BOQORTOOYADII YAMAN
Qoomki saba waxay ka mid ahaayeen qaroomadii ugu horeeyay ee carabtii saafida ahayd, kuwaas oo ku noola yaman. Qodaal cilmi baaris lagu sameeyay ‘’Oor’’ waxaa lagu ogaaday war bixintooda iyaoo la sheegay in ay noolaayeen 25 qarni, dhalashadii ciise ka hor .
Ilbaxnimadoodo waxay hana qaaday, awoodooda xukunna fidayna 11 qarni ka hor dhalashadii ciise.
Waxaa loo qaybin karaa marxaladahooda sida qiyaasahan soo socda
1. Qarniyadii ka hareeyay 650 sano dhalashadii nabi ciise ka hor, waayahaasna boqorrada waxaa lagu naanaysi jiray ‘makhrib saba ’ caasumadna waxaa u ahayd magaalada “sarwaax” oo sidoo kle loo yaqaan “khariba” , ooo bur burkeedina laga helay meel maalin socod dhinaca galbeed ka xigta “ma’rib”. Oo kulahaa ahmiyad wayn taariikh yaman. Saba waxaa sidoo kle la sheegay inay lahaayeen awood gaartay heer ay mustacmalorado ku lahayeen dhulka carabta guduhiisa io dibadiisa.
2. Waayahii u dhaxeeyy sanadkii 650 – 115 dhalashadii ciise ka hor , waxay joojiyeen magaca “makhrib” oo ay qaateen halhayska “boqoradii saba”.
Waxayna sidoo kle ka dhigteen ma’rib caasumadooda halkii sarwaax. Bur burkii ma arib waxay ku dhacdaa meel 6 mayl dhinaca bari sanca ka xigta.
3. Mudadii u dhaxaysay sanadkii 115 dhalashadii ciisa ka hor ilaa sanadkii 300 ciisa kadib, waayahaas waxaa xukunka saba la wareegay qabiilki ximyar, waxayna caasumad ka dhigteen Raydaan halkii ma‘rib. Waa dambe raydaan waxaa loo bixiyay “difaar”. Waxaana hadda burburkeeda laga helaa buur wareesan oo u dhaw magaalada yariim.
Waayahaas waxaa boqortooyadii saba ku bilowday bur bur io hoos u dhac , ganacsigoodiina in wayn buu hoos u dhacay sababtoo ah ugu horrayn dawladii qotida ee ka dhisneed waqooyiga xijaas; tan labaad, sababta qabsashada roomaanka mariinadi ganacsiga badda kadib ku duulidii roomaanka io qabsashadoodi masar, io tan sadexaad, sababta loollan qabiilooyinka dhexdooda ka dhashay io dagaalada sokeeye.
Saddexdaas arrimood baana sabab u ahaa badidii io kala firirkii reer qaxdaa.
4. Laga soo bilaabo sannadkii 300 ilaa soo gelidii islaamka dhulka yaman. Waayahaas waxaa isugu xigsaday reer yaman qalalaaso io dhacdooyin iyo inqilaabyo isdaba joog ah, io dagaalo sokeeeye, taaso sabab u noqoqtay faragalin shisheeye oo ay madax banaanidooda ku waayeen, waqtigaas bayna roomaanka cadan soo galeen, kaalmadooda bayna xabashido yaman ku qabsadeen, markii ugu horeesay sanadkii 340 ciise kdib. Iyagoo isla markaasna ka faaidaystay loollankii u dhaxeeyay labada qabiilo xamdaan io ximyar. Habashido waxa ay yaman haysteen ilaa sanadkii 378 ciise kdib. Dabadeedna yaman waxa ay heshay madax banaanideede. Waa dambe, waxaa ku bilowday biyo xireenka ma’rib fatdhacyo daldalooshamo, taaso oo ki xigsatay daadkii wayna [450-451 ciise ka dib] ee lagu xusay quraanka kariimkah. Taaso ahayd dhacdo wayn oo keentay dumida xadaaradii yamanta gebigeediiba io kala firfirkii qaxii umadahii ku dhaqnaa halkaas
Sanadkii 523Du nawaas, oo yuhuudi ahaa waxa oo qaaday ololo lixaad leh oo ku tir tirayo nasaaradii reer najraan, isagoo doonayay inuu diintoooda xoog uga saaro oo uu ku galiyo diinta yahuuda. Markii ay diideen waxa uu qotay hooraamo oo dab uu ku horiyay oo ku daadiyay, waa dhacdada quraanka ku xusay suurada al buruuj
قُتِلَ أَصْحَابُ الْأُخْدُودِ. النَّارِ ذَاتِ الْوَقُودِ. إِذْ هُمْ عَلَيْهَا قُعُودٌ. وَهُمْ عَلَى مَا يَفْعَلُونَ بِالْمُؤْمِنِينَ شُهُودٌ
Taasna waxaa ka dhalatay hawl aargudasho ah oo dhanka nasaarada ka timid oo ay hogaaminayso imbiraaddooriyaddii roomaanka, waxayna ku dheeri geliyeen dawladii xabashida in ay yaman qabsadaan, waxayna u diyaariyeen maraakiib ciidamada ku daadguraystaan, waxaana yaman kusoo dagay 70kun oo askari oo xabashi ah , mar labaad bayna yaman qabsadeen iyadoo uu hogaaminayo aryaad sanadkii 525 dhalashadii ciise kadib. Aryaad wuxuu noqday hoggaamiye yaman u taliya oo boqorka xabashida wakiil uga ah, dabadeedna waxa isagii dilay mid ka mid ah hogaamiyayaashi ciidankiisa, Abraham oo taladii kala wareegay oo isna dhankiisa wakiil uga noqday yaman boqorkii xabashida markii uu raali geliyey kdib.
Abraha waa ninkii ciidammada u abaabulay inuu kacbada sharafta leh dumiyo oo isaga io askartiisa uu alle halaagay oo loo yiqiin "Asxaabulfiiil"
Markii ay dhacday halligiddii asxaabulfiil oo cududdii xabashida yaman ka joogtay ay daciiftay bay yamaniyiintu u qayshadeen dowladii furus (Beershiya) oo markaas ahayd quwadda labaad ee roomaanka dunida kula tartamaysay.
Waxayna ku guuleesteen inay xabashidii dhulkooda ka cayriyaan sannadkii 575 dhalashadi ciise ka dib waxayna boqor u magacaydeen Macdi Karib bin Yuusuf Duu Yazin al-Ximyar, oo isagu kacdoonka xabashida lagu saaray hogaaminayey.
Macdikarib wuxuu xabashidii kala haray rag u adeega oo hor socda iyagaana markii danbe dilay.
Halkaasuna ku go'ay xukunkii reer ximyar, taasna waxaa ka faa'idaystay boqorkii faaris oo yaman usoo dirsaday xaakim faaris ah oo uga wakiil ah , oo sanco u fadhiya sidaasna yaman waxuu uga dhigay gobol faaris ka tirsan oo uu hadba boqorka faaris guddoomiye u soo dirsado.
Waxaan guddoomiyeyaashaas u dambeeyay baadaan oo isagu islaamay sanadki markii uu ahaa 638 dhalashadii ciise kadib, markaas wixii ka dambeeyayna yaman waxay noqotay gobol hoos yimaada oo ka tirsan dawladii islaamka.