BOQORTOOYADII XIIRAH

   
     BOQORTOOYADII XIIRAH


Faaris baa xukumi jirtay ciraaq iyo waxaa la deris ahba laga soo billaabo markii uu mideeyey koorooshkii weyna (557- 528) Ciise ka hor, mana jirin cid dhaqaajin kartey xukunkooddi, jeer uu kacay Aliksandar Al-maqduuni ee waynaa sanadkii 326 dhalashadii ciise ka hor, oo isagu ka adkaaday boqorkii faaris Daara 1, awooddoodiina jabiyay.

Taasina waxay sababtay in dhulkii boqortooyada faaris ka talisay gobollo u googgo'o, oo ay kala qabsadaan boqorro loo yiqiin, boqorradii qolo-qoloda kuwaas oo wadanka kala qaybsanaan ku xukumay ilaa laga gaaray sannadku markii uu ahaa 230 dhalashadii ciise kaddib. 

Waayihii boqorrada qolo-qolada bay reer qaxdaan haajireen, oo qabsadeen qayb ka mid ah miyiga ciraaq dabadeedna waxaa ka daba tagay cadnaaniyiintii oo ku guuleystay inay la wadaagaan qaybo ka mid ah jasiiradda furaad iyaga.

Mar labaad bay faaris awooddi usoo noqotay markii uu talada qabsaday ardisheer oo ahaa aasaasihii dawladdii "Saasaaniyiinta" sanadkii 226 ciise kaddib. Ardisheer wuxuu mideeyay awooddii reer faaris dabadeedna wuxuu gacanta ku dhigay carabtii dalkiisa deriska la ahayd, waxaana xukunkiisa hoos yimid dadkii reer xiirah io anbaar, kuna khasbeen Quddaaca inay u guuraan Suuriya.

Waayihii Ardisheer waxaa guddoomiya uga ahaa reer xiira iyo dhammaan Carabta ku nool baadiyaha Ciraaq iyo Jasiiradda oo Rabiica iyo Mudarba leh, waxaa wakiil uga ahaa oo caradaas u xukumay Juzayma Al-Waddaax.

Ardisheer waxaa u muuqatay inuusan Carabta si toos ah u xukumi karin, kana celin karin inay soo weeraraan xuduudahiisa dacallada ku haya dawladiisa, sidaas daraaddeed wuxuu gartay inuu taladooda u dhiibo boqor hoosaad iyaga ka mid ah oo leh qabiilo taageera oo difaacda, si ay carabtu taladiisa u hoos timmaaddo, uuna uga horgeeyo boqorada Roomaanka oo halis ku ahaa loollana uu ka dhaxeeyay.

Gaar ahaan wuxuu rabay Carabta Ciraaq iyo Jasiiradda inuu ka hor geeyo Carabta Shaam oo Roomaaku sameestay.

Boqorkii xiira wuxuu haysan jirey urur ciidammada Faaris ah oo uu u adeegsado fallaagooyin xukunkiisa ku kaca ee Carabta Baadiyaha. Juzayna wuxuu geeriyooday sanadkii 268 ciise kaddib.

Markii uu dhintay kadibna waxa xukunka qabsaday Cumar bin Caddiya bin Lafar oo boqorrada reer Lakhmi ugu horreeyay waxayna isku waa' ahaayeen boqorkii Faaris ee la oran jiray Saabuur bin Ardisheer, wixii waagaas ka dambeeyayna waxaa xiira isku bad-beddelayey boqorro reer lakham ah, ilaa uu Faaris qabsaday Qabaas bin Fayruus, oo uu waagiisii soo baxay Masdak oo ahaa nin dadka ugu yeerayey in sinada la banaysto oo aan waxba laga xishoon.

Yeeriddiisaas bannaysiga ahna waxaa ku raacay boqor Qabaaz iyo raciyad fara badan uu lahaa, dabadeedna wuxuu Qabaaz amray boqorkii xiiira oo markaas ahaa Mundiir bin Maa as- samaa inuu madhabtaas foosha xun oo bannaysiga ah qaato oo diin ka dhigto isna mundir waxaas waa iskala weynaaday oo ku gacan sayray.

Markaasuu Qabaaz casilay Mundir, wuxuuna ku beddelay Al Xaarisa bin Camar bin Xajar Al-Kindi, oo yeeriddiisa bannaysiga ah ku raacay.

Qabaasna waxaa xukunkii ugu haray boqor Anuu-shayrwaan oo mad-habtaas foosha xun nebcaa, markaasuu dilay Mazdak io dad badan oo mad-habtiisa rumeeyay, Mundirna wuxuu kusoo celiyay xukunkii xiira oo horay looga casilay, wuxuuna amar ku bixiyay in lasoo qabto Al-Xariith bin Camar, waase fakaday oo wuxuu magan galay reer kalbi oo uu la joogay ilaa uu dhintay.

Mundir bin Maa As- Samaa kaddibna xukunka firkiisa baa iska dhaxlayey ilaa laga soo gaaray An-Nucmaan Bin Al-Mundiir oo uu boqorkii Faaris xabbiska dhigay ilaa uu gudihiisa ku dhintay. Boqorka iyo An-Numcaan waxaa isku diray Zayd bin Caddiya Al-Cibaadii markaaso boqorkii u carooday oo An-Numcaan u yeeray.

An-Numcaan intuusan boqorka aadin wuxuu maalkiisa io maxastiisi ku amaansatay Haani bin Mascuud oo duqii banii Shaybaan ahaa.

Boqorkii wuxuu An-Nucmaan ku beddelay Iyaas Bin Qubays oo banking Daayi ahaa wuxuuna amray inuu Haani' kasoo qaado waxa An-Numcaan ku ammaansaday.

Labada qolana waxaa dhex maray dagaal qaraar oo ka dhacay Dii'Qaar wuxuuna ku dhamaaday reer Faaris oo jabay.

Waana markii u horraysay ee Carabtu Cajamta ka adkaato waxayna goortaas in yar ka dambaysay dhalashadi Nabigeena (S.C.W.).

Rasuulka (S.C.W) wuxuu dhashay markii ay siddeed bilood kasoo wareegtay magacaabiddi Iyaas Bin Qubaysah.

Kisrana wuxuu Iyaas kadib Xiira u magacaabay guddoomiye Faaris ah, sanadku markii uu ahaa 632 dhalashadii ciise kaddib, baa xukunkii reer Lakham soo laabtay oo waxaa xilkii Xiira(Ciraaq) la wareegay Al-Mundiri Al-Macruur. Siddeed bilood kama soo wareegin xukunkaasi markii uu carradiisa soo galay oo gacanta uu ku dhigay Khaalid bin Al-Waliid oo ciidammadii muslimiinta hoggaaminayey.






Post a Comment

Previous Post Next Post