Sunnayaasha aynnu dhayalsanno waxa ka mid ah mu'addinka oo la raaco marka uu addimayo. Cilmi badane Ibnu Baas AHUN oo ka hadlaya fadliga iyo wanaagga laga helayo sunnadan ayaa yidhi: "raacidda mu'addinka waxa ka taga uun qof laga dheereeyay wanaagga. Mu'addinka oo la raaco waxa ku sugan afar ajar oo waaweyn: dambidhaaf, janno gelid, ku guulaysiga shafaacada Suubbanaha NNKH iyo ducada ka dambaysa oo laga aqbalo addoonka."
Ibnu Jurayj AHUN ayaa isna yidhi: "salafkii hore sida ay u dhegaystaan Qur'aanka kariimka ah, si la mid ah ayay u dhegaysan jireen mu'addinka